FEATUREDLATEST NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo burburisay Xarun ay laheyd Shirkadda Hormuud iyo wararkii ugu dambeeyay

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay kooxda Al-Shabaab ay burburiyeen xaruntii shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ku lahayd deegaanka Yaasooman.

Deegaanka Yaasooman oo u dhexeeya degmooyinka Buulobarde iyo Moqokori ayaa la sheegay in kooxda ay gabi ahaanba dhulka la simeen xaruntaasi, ka hor inta aysan isaga bixin halkaas.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Al-Shabaab ay walaac xooggan ka muujinayaan howlgallada ballaaran ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowladda ay haatan ku sii jeedaan deegaanka Yaasooman, kadib markii kooxda ay isaga baxday goobta burburka ka dib.

Dhinaca kale, ciidamada deegaanka ee ku sugan Tardo iyo Buulobarde ayaa maalmahan waday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasoo la rumeysan yahay inay cabsi weyn ku abuureen kooxda, islamarkaana horseeday inay ka baxaan deegaanada qaar ee gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *