DUNIDALOCAL NEWSWARARKA

Digniin kasoo baxday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee dalka Masar ayaa wargelin rasmi ah u dirtay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, iyadoo ka digeysa roobab xooggan oo la filayo inay ka da’aan qaybo badan oo ka mid ah magaalooyinka Masar maalmaha soo socda.

Sida ay sheegtay hay’adda saadaasha cimilada ee dalka Masar, waxaa la filayaa isbeddel cimilo oo keeni kara roobab culus iyo dabaylo, kuwaas oo saameyn kara isu socodka iyo nolol maalmeedka guud ahaan.

Safaaradda ayaa kula dardaarantay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, isla markaana yareeyaan dhaqdhaqaaqyada aan daruuriga ahayn inta lagu jiro muddada roobabka la filayo. Sidoo kale, waxaa lagu booriyay inay si joogto ah ula socdaan digniinaha iyo wararka rasmiga ah ee ay soo saarto hay’adda saadaasha cimilada Masar.

Ugu dambeyn, Safaaradda waxay muwaadiniinta ku adkaysay muhiimadda ay leedahay badbaadada nafta iyo hantida, iyagoo raacaya tilmaamaha iyo talooyinka ay bixiyaan hay’adaha maxalliga ah ee khuseeya xaaladda cimilada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *