Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa.
    LATEST NEWS

    Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa.

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor24 March 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa lagu Eedeeyay in ay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen Howlo Basaasnimo iyo Gabaadsiinta Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

    Eedeysane Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay Tan iyo 2014 Inuu Ka tirsanaa Qeybta Dhagaraha, Gaar ahaan Basaasida Dilalka gaadmada iyo qeybta Qaraxyada.

    Waxa uu qabtay Shaqooyin ay ka mid yihiin Sahminta guryo Saraakiil daganaayen, Indho indheynta xarumaha Degmooyinka Xamar jajab iyo Xamarwayne, Gudbinta Xogo ku saabsan xarumaha lagu bixiyo ID ga NIRA Iyo Bixinta Macluumaadyo lagu beegsan lahaa Feeryahanada Soomaaliyeed ee Caanka ah Ramla Cali oo Dalkeeda soo booqatay.

    Eedaysane Cabdulahi Cusmaan Maxamed, ayaa isna Lagu eedeeyay in uu dib ugu Laabtay Al-Shabaab oo horay uu uga tirsanaa, Isla markaana Suuqa Bakaaro uu ku lahaa Ganacsi Qudaar oo gabbaad u aheyd, ayna ku kala warqaadan jireen isaga iyo Eedeysane Cabdisalaam.

    Cabdullahi Cusmaan ayaa horay usoo dhameystay Xukun ay ku riday Maxkamadda Ciidamada Puntland.

    Eedaysane Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr oo Al-Shabaab kaga biiray Degmadda Qoryooleey 2015, ayaa Muqdisho yimid isagoo aan marin habraaca isa-soo dhiibista ee kuwa ka haray afkaarta Xagjirka.

    Eedeysane Faadumo Cismaan Subeyr Cali ayaa loo heystay in Gabaadsiisay Eedeysaneyaasha kala ah Cabdisalaam iyo Cabdinaasir oo labaduba ay Waalid u tahay, ayeeyo korana ugu aadaneyd eedeysane Cabdisalaan, iyadoona maalmo kadib u wareejisay Guri kiro ah oo ay leedahay Saxiibadeed Eedeysane Leylo Seef Faarax Axmed oo ay daris ahaayeen, kuna yaala Degmada Xamar jajab.

    Faadumo ayaa iyadana Gurigeeda ka kireysay Eedeysane Cabdisalaam, iyaddoo aan la marin habraaca Kireynta Guryaha ee Hay’adaha amaanka iyo maamulka Gobolka Banadir.

    Baaris dheer ka dib xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday Mudeynta Kiiskaan, waana laga aqbalay.

    Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala Xukumay.
    1- Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) Toban sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

    2- Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr Labo sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

    3- Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo 4- Leylo Seef Faarax Axmed, ayaa Iyagana lagu xukumay Min Hal sano oo Ilku hayn Amni ah.

    Halka 5- Cabdulahi Cusmaan Maxamed ay Maxkamadu siisay Xorriyadiisa ka dib markii ay tix galisay Dooda Qareenkiisa oo aheyd in uu soo dhamaystay xukun horay ugu dhacay, Maxkamadduna ay u cadeen u weysay in uu dib ugu laabtay Al-Shabaab.

    Sida uu warbaahinta u sheegay Abdisalaam Maalin Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.
    Maxkamadda Ciidamada.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleTaliska Ciidanka xoogga dalka oo War kasoo saaray wararka sheegaya diyaarad ku dhacday…
    Next Article Wasiirka Dekedaha oo kordhiyay qooralada uu ku weerarayo Madaxweyne hore Farmaajo
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    By Banaadir247 November 20260

    Beledweyne (Banaadir24) — Wararka laga helayo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in cutubyo ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…
    • Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad
    • Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde
    • Villa Somalia oo wajahaysa go’doon diblomaasiyadeed? Mucaaradka oo tallaabo culus qaaday

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d