LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo War kasoo saaray wararka sheegaya diyaarad ku dhacday…

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada kuwaas oo sheegayay in diyaarad ay leeyihiin ay ku dhacday magaalada Baydhabo.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska oo lagu faafiyay Muqdisho ayaa lagu caddeeyay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, isla markaana aanay jirin wax shil diyaaradeed ah oo ku lug leh ciidanka oo ka dhacay Baydhabo ama deegaannada ku xeeran.

Taliska CXDS ayaa tilmaamay in wararkan been-abuurka ah ay si ula kac ah u faafinayaan dad doonaya inay marin habaabiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay wiiqaan kalsoonida hay’adaha amniga dalka.

Sidoo kale, talisku wuxuu uga digay warbaahinta iyo bulshada inay ka fiirsadaan faafinta wararka aan la hubin, isagoo xusay in xogta saxda ah lagu helo oo keliya wararka rasmiga ah ee kasoo baxa ciidanka.

Ugu dambeyn, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in xaaladda amni ee Baydhabo ay tahay mid degan, islamarkaana ciidanku ay sii wadaan waajibaadkooda sugidda amniga guud ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *