LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo xil ka qaadis iyo magacaabis cusub ka sameysay ciidamada Diinsoor

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaadday Taliyihii ururka 154-aad, guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, Aadan Maxamed Nuur Afey, oo ka howlgali jiray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in xilkaasi loo magacaabay Mursal Cali Maxamed, oo hore u ahaa abaanduulaha ururka, taasoo muujineysa isbeddel hoggaamineed oo muhiim ah oo lagu sameeyay cutubkaasi ka tirsan ciidamada.

Isbeddelkan cusub ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed iyo xiriirka uu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mareyso marxalad xasaasi ah. Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo loollan saameyn ku leh amniga iyo maamulka gobolka.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso inay xoojiso taageeradeeda dhinaca amniga iyo maamulka ee degmada Diinsoor, taasoo laga yaabo inay door ka ciyaarto xasillinta xaaladda gobolka Baay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *