LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Farmaajo oo ka digay Halis Siyaasadeed ee Ka Taagan Koonfur Galbeed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Xubnihiisa kale ee Maamulka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter), ayuu ku sheegay in khatarta sii kordheysa ee rabshadaha siyaasadeed ay tahay mid aad u walaac badan. Wuxuu xusay in weli ay jiraan xalal siyaasadeed haddii Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wadahadal dhab ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ka digay in istiraatiijiyadda hadda la wajahayo ay sababi karto dhibaatooyin waaweyn, isla markaana ay jiri karto halis ku wajahan Shacabka aan waxba galabsan.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Koonfur Galbeed, iyadoo ay jiraan eedeymo ku saabsan tallaabooyin militari oo dowladda federaalku ka waddo halkaas.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *