LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

NISA oo shaacisay inay dishay laba kamid ah Horjoogayaasha ugu waaweyn Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ay ka fulisay deegaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalladan oo ay NISA sheegtay inay kaashadeen saaxiibada caalamiga ah ayaa laga fuliyay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Ugunji ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, howlgal ka dhacay Jilib 19-kii bishan ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Cali Cabdullaahi Macalin oo lagu tilmaamay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana mas’uul ka ahaa isku dubbaridka qaraxyada iyo weerarrada ka dhaca gudaha dalka.

Dhanka kale, howlgal kale oo dhacay 15-kii bishan deegaanka Ugunji ayaa lagu dilay Suleymaan Cumar Fidow, kaas oo la sheegay inuu hoggaaminayay koox ka tirsan Al-Shabaab oo ku howlanaa qorsheynta weerarro iyo falal amni darro.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in labada sarkaal ay muddo dheer ku lug lahaayeen falal amni darro, inkastoo aan si cad loo shaacin haddii ay jiraan khasaare soo gaaray dadka rayidka ah intii ay socdeen howlgaladaasi.

NISA ayaa xustay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab iyo burburinta shabakadaha argagixisada.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan wixii macluumaad ah ee la xiriira dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *