Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » NISA oo shaacisay inay dishay laba kamid ah Horjoogayaasha ugu waaweyn Al-Shabaab
    LATEST NEWS

    NISA oo shaacisay inay dishay laba kamid ah Horjoogayaasha ugu waaweyn Al-Shabaab

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor26 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ay ka fulisay deegaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

    Howlgalladan oo ay NISA sheegtay inay kaashadeen saaxiibada caalamiga ah ayaa laga fuliyay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Ugunji ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, howlgal ka dhacay Jilib 19-kii bishan ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Cali Cabdullaahi Macalin oo lagu tilmaamay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana mas’uul ka ahaa isku dubbaridka qaraxyada iyo weerarrada ka dhaca gudaha dalka.

    Dhanka kale, howlgal kale oo dhacay 15-kii bishan deegaanka Ugunji ayaa lagu dilay Suleymaan Cumar Fidow, kaas oo la sheegay inuu hoggaaminayay koox ka tirsan Al-Shabaab oo ku howlanaa qorsheynta weerarro iyo falal amni darro.

    Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in labada sarkaal ay muddo dheer ku lug lahaayeen falal amni darro, inkastoo aan si cad loo shaacin haddii ay jiraan khasaare soo gaaray dadka rayidka ah intii ay socdeen howlgaladaasi.

    NISA ayaa xustay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab iyo burburinta shabakadaha argagixisada.

    Ugu dambeyn, hay’addu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan wixii macluumaad ah ee la xiriira dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleDowladda oo Ciidamo horleh Galabta ka dejisay degmada Buurhakaba iyo wararkii ugu dambeeyay
    Next Article Ciidamada Itoobiya oo Guud ahaan Amniga Baydhabo la wareegay walwal soo wajahay Shacabka
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    By Banaadir246 October 20260

    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland
    • Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato
    • Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d