Author: Banaadir24 Editor

Beesha caalamka ayaa si adag uga hortimid suurtagalnimada dagaal ka qarxa deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday dhinacyada isku haya khilaafka inay doortaan wadahadal iyo xal nabadeed. War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiskeeda Soomaaliya ee United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo laga qabo xiisadaha sii kordhaya ee ka jira gobolka. Qoraalka ayaa hoosta ka xariiqay in xaaladda hadda taagan ay khatar ku tahay xasilloonida guud ee dalka, amniga bulshada, midnimada qaranka, iyo sidoo kale xaaladda bini’aadantinimo. “Waxaan ka walaacsanahay saameynta ay xiisadaha sii kordhaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay si adag uga hadashay habraac doorasho oo dhawaan ka dhacay dalka, kaas oo ay ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo nidaamka dowladnimo. Wasaaraddu waxay caddeysay in dhacdadaasi aysan ahayn doorasho xalaal ah, balse ay tahay isku day si cad loogu marin-habaabinayo hannaanka dimuqraadiyadeed, iyadoo la doonayo in lagu meel mariyo natiijo horay loo sii go’aamiyey. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, habraaca doorashada ayaa lagu soo gabagabeeyay muddo 24 saacadood gudahood ah, taas oo wasaaraddu ku tilmaantay mid ka fog hufnaan, tartan xor ah, iyo sharciyad.…

Read More

Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo doorashadiisii kadib khudbad jeediayay ayaa marka hore u mahad celiyay Xildhibaannadii doortay, isaga oo sidoo kale ka hadlay xaaladdaa guud ee dalka, doorashada uu Maanta qabsaday iyo waxyaabihii ku kalifay in uu qabsado iyo arrimo kale. Madaxweynaha ayaa isaga oo u jawaabayay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in aysan jirin heshiis doorasho oo uu la galay Madaxda Dowladda Soomaaliya, balse heshiisyadii dhacay ay ahaayeen kuwo la is qasabayay oo Bustoolad Madaxa la isaga haayay waa sida uu ahdalka u dhigay. “Bistoolad ayaa madax naloo kahayay, waa kudilayaa ama waa ila jiraysaa…

Read More

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftaagreen) ayaa markale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo. Doorashada ayaa waxaa Laftaagreen kula tartamay Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed. Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa codkooda siiyay Laftaagreen, taasoo u sahashay inuu mar kale hoggaanka maamulkaan sii hayo. Kadib ku dhawaaqista natiijada doorashada, Madaxweyne Laftaagreen ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada codkooda siiyay, isagoo sheegay inay muujiyeen kalsooni iyo taageero uu ku hoggaamiyo dowlad goboleedka. Sidoo kale, Laftaagreen ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horey u diidday in doorasho laga qabto Koonfur Galbeed, balse dib…

Read More

Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Cali Siciid Faqi iyo Kuxigeennadiisa oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo. Farmaajo ayaa sheegay in Tallaabadan ay muhiimad u leedahay in hay’addaha dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ay helaan sharciyad ay ku gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah, maadama uu dhammaaday muddo xilleedkoodii hore ee loo doortay. Wuxuu sidoo kale u hambalyeeyay guud ahaan xubnaha Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur-galbeed iyo Guddoonkooda ee maanta la dhaariyey, wuxuuna u rajeeyay in Alle uu u fududeeyo gudashada waajibaadkooda. Dhinaca kale Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa hadda ka socota doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed…

Read More

Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa maanta markale dib loogu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Fiqi oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Dr. Cali Saciid Fiqi ayaa helay 67 cod, taasoo siisay guul cad marka loo eego musharraxii la tartamayay ee Diini Sheekh Xasan, kaasoo isna helay 11 cod. Guud ahaan waxaa codeynta ka qeyb galay 80 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed. Doorashada ayaa u dhacday si habsami leh, iyadoo xildhibaanadu si xor ah u dhiibteen codkooda,…

Read More

Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay goordhow ka ambabaxeen degmada Buurhakaba, iyaga oo u dhaqaaqay dhanka magaalada Baydhabo. Ciidamadan ayaa la sheegay inay wataan gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhaq-dhaqaaqooda uu qeyb ka yahay abaabul ciidan oo ka socda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana qorshaha ciidamada uu yahay inay dagaal ku qaadaan Magaalada Baydhabo kalana wareegaan Maamulka Koonfur Galbeed. Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in aan weli si rasmi ah loo ogeyn dariiqa…

Read More

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa markii ugu horraysay si rasmi ah u shaacisay inay si toos ah uga qayb qaadanayso dagaalka ka socda Bariga Dhexe, iyagoo sheegay inay weerarro ka fuliyeen gudaha Israa’iil. War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku caddeeyeen inay adeegsadeen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) si ay u beegsadaan bartilmaameedyo muhiim ah. Afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay in weerarradan ay qayb ka yihiin taageerada ay u hayaan dhinacyada kale ee ku lugta leh colaadda, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga gaaro yoolal ay sheegeen inay difaacayaan danaha gobolka iyo kuwa diimeed. Tallaabadan ayaa loo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay khilaafka ka taagan nooca doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u dhaliilay mowqifka maamulka Koonfur Galbeed ee kasoo horjeeda hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Madaxweynaha oo maanta ka hadlayay munaasabad xarig-jaris waddo ayaa sheegay in dowlad-goboleedyada qaar ay ka baxayaan heshiisyo hore oo ay si wadajir ah u saxiixeen, kuwaas oo la xiriiray habraaca doorashooyinka dalka. “Shalay ayaan heshiinay ragga maanta aan is hayno. Dukuminti ka badan labaatan oo ay saxiixeen ayaa la hayaa. Maanta ayay leeyihiin doorasho dadban ayaan rabnaa. Taas waa laga soo gudbay,” ayuu…

Read More

Warar laga helayo ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan, oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday madaxa amniga gobolka Gedo, lagu xanibay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Janan, oo si gaar ah ula shaqeynayay ciidamada ku sugan aagga Baladxaawo, la qorsheynayo in maanta dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho, taas oo ka careysiisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo laga yaabo inay qaado tallaabooyin dheeraad ah oo ka dhan ah dowladda Itoobiya Dadaallo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneysay in ay wax kaga qabato…

Read More