Author: Banaadir24 Editor

Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee muddo xileedkooda dhamaadka yahay ahna Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay Liiska cusub ee Xildhibaannada Koonfur Galbeed ee xalay la shaaciyay. Qoraal uu Xildhibaanka ku daabacay Bartiisa Facebook ayuu ku yiri” Xildhibaan Maxamed Barre ‘Liiska Xildhibaanda uu ku sheegay laftagareen maahan dad lagala soo tashaday Odiyaasha dhaqanka ee reeraha matalayay ee waa liis uu sharci Daro kusoo qortay”. Waa Xildhibaankii ugu horreeyay ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo horjeesta Xildhibaannada Cusub ee Koonfur Galbeed, iyada ay xusid mudan tahay in Xildhibaan Maxamed Barre uu…

Read More

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyey in cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor la geeyey qeybo kamid ah gobolka Baay, arrintaas oo dhalisay hadal-heyn siyaasadeed iyo walaac amni. Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Fiqi, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter) ku sheegay in ciidamo ka tirsan Danab iyo Gorgor loo daadgureeyey deegaano ka tirsan gobolka Baay, gaar ahaan meelaha ku dhow magaalada Baydhabo. Dr. Fiqi ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa awood sheegasho, isagoo xusay in maamulka Koonfur Galbeed uusan aqbali doonin wax cabsi gelin ah. Wuxuu sidoo kale carrabka…

Read More

Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SSF) ayaa caawa gaaray degmads Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib safar dhowr maalmood qaatay oo ay kaga soo ambabaxeen caasimadda Muqdisho. Ciidankan oo watay gaadiid dagaal iyo hub culus ayaa soo maray saldhigyo muhiim ah oo ay ciidamadu ku leeyihiin magaalooyinka kala ah Walawayn, Balidoogle, Yaaqbariwayne iyo Leego, ka hor inta aysan ugu dambeyn gaarin Buurhakaba. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shacabka ku dhaqan Buurhakaba oo si weyn u soo dhaweeyay ciidamada, iyaga oo taagnaa wadooyinka waaweyn ee magaalada, isla markaana dareen ka qabay sida ay xaaladda noqon karto. Wararka laga…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Axmed Maxamed Xuseen, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kula wareegtay kastamka canshuuraha ee degmada Afgooye. Wasiirka ayaa sheegay in kastamkaasi horey u maamuli jirtay dowlad goboleedka, balse maanta si qasab ah ay ula wareegeen ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, kadib khilaaf soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed. Axmed Maxamed Xuseen ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid sharci darro ah oo baal marsan nidaamka federaalka, isaga oo xusay in sidoo kale la jirdilay qaar ka mid ah shaqaalihii kastamka intii lagu guda jiray howlgalka la wareegista.…

Read More

Safaaradda Boqortooyada Midowday (UK) ee Muqdisho ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda ka taagan deegaannada maamulka Koofur Galbeed, iyada oo ka digtay in xiisadaha sii kordhaya ay halis gelin karaan amniga isla markaana saameyn taban ku yeelan karaan bulshada halkaas ku nool, kuwaas oo horeyba ula tacaalaya culaysyo bani’aadamnimo. War qoraal ah oo safaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in UK, oo ay ku tilmaantay saaxiib iyo lammaane ay Soomaaliya wada shaqeeyaan, ay dhinacyada ku boorrisay inay muujiyaan is-xakameyn, kana shaqeeyaan dejinta xaaladda. “Dowladda UK waxay si dhow ula socotaa horumarka ka socda Koofur Galbeed. Xiisadaha dhawaan soo…

Read More

Mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Mursal, Xildhibaan Xasan Cabdinur iyo Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa maanta kormeer dhiirrigelin ah ku gaaray furimaha hore ee ciidamada ammaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey jiidaha hore, halkaas oo ay ku qaabileen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay, Taliyaha Degmada Baydhabo, Taliyaha CID-da, Guddoomiyaha Degmada Awdiinle iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga. Mas’uuliyiinta kormeerka sameeyey ayaa ciidamada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan difaaca deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo ku…

Read More

Dowladda Uganda ayaa tallaabo sharci ah ka qaaday saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), kuwaas oo lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha Soomaaliya. Saraakiisha la maxkamadeynayo ayaa kala ah Korneyl George Buga Andruca, Major Benjamin Kashumbusha, iyo Lieutenant Henry Gygenda, kuwaas oo dhammaantood hore uga tirsanaa cutubka duulista ee ciidamada Uganda ee howlgalka ka wada Soomaaliya. Eedeysanayaashan ayaa la hor geeyay maxkamad ciidan oo ay fadhiyeen saddex garsoore, iyadoo lagu soo oogay dacwad la xiriirta dayacaad iyo falal khaldan oo sababay burburka diyaaraddaasi. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan saraakiishu…

Read More

Kuwait ayaa sheegtay in dekeddeeda ganacsi ee ugu weyn, Dekedda Shuwaikh, lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahayn oo ay ku tilmaantay “cadow.” War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Dekedaha Kuwait ayaa lagu xaqiijiyey in weerarka uu sababay khasaare hantiyeed, balse aanay jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay dhacdadaasi. Hay’addu waxay intaas ku dartay in si degdeg ah loo hirgeliyey tallaabooyin lagu xakameynayo xaaladda, loona xaqiijinayo badbaadada howlaha ka socda dekedda. Sidoo kale, waxaa socda qiimeyn lagu ogaanayo heerka khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka. Dekedda Shuwaikh ayaa ah halbowlaha ugu muhiimsan ee ganacsiga dalka Kuwait, iyadoo door…

Read More

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in cutubyo ka kala tirsan ciidamada Gorgor, Haramcad iyo Danab ay gaareen degmada Buurhakaba, xilli ay isa soo tarayaan dhaq-dhaqaaqyada militari ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed. Ciidamadan ayaa la xaqiijiyay inay safar dhinaca dhulka ah kaga soo baxeen Muqdisho iyo degmada Wanlaweyn, halka tiro kale oo ka mid ah ciidamada lagu geeyay Buurhakaba diyaarado. Imaanshahooda ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo isku dhac ka dhaca gobolka. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in degmada Buurhakaba si weyn looga dareemayo guluf dagaal, iyadoo la sheegayo in ciidamada halkaas gaaray ay qorsheynayaan inay u…

Read More

Wasiirkii hore ee Caddaaladda iyo Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (John), ayaa loo magacaabay Afhayeenka howlgallada ay wadaan ciidamada isku magacaabay Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo haatan guluf dagaal ka wada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Magacaabistan ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo warbaahinta iyo wacyigelinta howlgalka, iyadoo Afhayeenka cusub loo igmaday inuu si joogto ah uga warbixiyo dhaqdhaqaaqyada iyo weerarada ay qorsheynayaan ciidamadaasi. Wararka laga helayo Buurhakaba ayaa sheegaya in ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed, oo taageero ka helaya cutubyo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee…

Read More