LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Farmaajo oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku Eedeeyay in uu yahay kaligiis taliye

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si weyn u dhaliilay tallaabo ay dowladdu ku xayirtay guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kaas oo dhowaan xilka laga qaaday.

Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in ficilkaas uu yahay mid ka hor imanaya xorriyadda muwaadiniinta iyo sharciga dalka, isagoo ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud inay qaadayso tallaabooyin siyaasadeed oo caburin ah.

Farmaajo ayaa sidoo kale ku dooday in ciidamo la dul dhigay hoyga Mahad Cabdiraxmaan ay muujinayso cadaadis siyaasadeed oo lagu hayo mas’uuliyiintii hore, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawacaysa sumcadda dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leexday wadadii dimuqraadiyadda, isagoo ku eedeeyay inuu yahay “doorasho diid” isla markaana uu ka fogaanayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo talooyinka haldoorka dalka.

“Ficilladan waxay muujinayaan jihada qaldan ee ay dowladdu qaadayso, taas oo khatar ku ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Farmaajo.

Ilaa iyo hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha ka soo yeeray madaxweynihii hore, waxaana arrintan ay kusoo beegmaysaa xilli xiisado siyaasadeed ay ka jiraan dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *