LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in aysan gorgortan ka geli doonin difaaca degaankooda

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degaannada Koonfur Galbeed inay ilaaliyaan midnimadooda, si ay isaga difaacaan cadawga iyo caqabadaha amni ee ka jira gobolka.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu afhayeenku ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadajirka bulshada, isagoo tilmaamay in midnimadu ay tahay tiirka ugu weyn ee shacabka ku taagan yihiin, isla markaana ay ka hortagto kala fogaanshaha iyo tabarta darrada.

“Sharaf iyo karaamo korkiinna ha ahaato, shacabka sharafta leh ee reer Koonfur Galbeed. Midnimadiinnu waa gaashaanka idinka difaaca kala qeybsanaanta. Ilaaliya wadajirkaas qiimaha leh, hana u oggolaanina kuwa beenta iyo nacaybka faafiya inay idin kala geeyaan,” ayuu yiri afhayeenka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay mar walba u taagan tahay ilaalinta dowladnimadeeda iyo midnimada dadkeeda, isagoo caddeeyay in aanay jiri doonin wax gorgortan ah oo lagu wiiqayo qiyamkaas aas-aasiga ah.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyn ku boorriyay shacabka inay xoojiyaan is-aaminaadda, is-ixtiraamka iyo wadajirka, si loo gaaro nabad, horumar iyo mustaqbal ifaya.

Hadalka Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mucaaradka Koonfur Galbeed ay weerar ku yihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *