Habraaca doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay habraaca doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ku saleysay dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Warsaxaafadeed ka soo baxay guddiga oo ku taariikheysan 26 Maarso 2026 ayaa lagu sheegay in habraacan uu muhiim u yahay hirgelinta doorashooyin xor ah, xalaal ah, isla markaana waafaqsan nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Habraaca la shaaciyay ayaa tilmaamaya dhowr arrimood oo saldhig u ah geeddi-socodka doorashada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa lagu soo xulayaa habraac rasmi ah oo waafaqsan dastuurka DKGS.
- Sugidda iyo ansixinta xubnaha la soo xulay waxaa leh Guddiga Doorashooyinka.
- Qoondada haweenka ayaa la adkeeyay, iyadoo la xaqiijiyay in ugu yaraan 20% ay noqdaan haween.
- Tirada guud ee xildhibaannada ayaa noqonaysa 95 xubnood.
- Kuraasta Golaha Wakiillada waxaa loo qaybinayaa si waafaqsan nidaamka awood-qaybsiga.
Guddigu waxa uu sidoo kale caddeeyay shuruudaha laga rabo musharrixiinta doonaya inay ka mid noqdaan Golaha Wakiillada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- In musharraxu uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo buuxiya shuruudaha dastuuriga ah.
- In uu leeyahay karti iyo aqoon ku filan xilka uu u tartamayo.
- In uu buuxiyo dhammaan shuruudaha kale ee uu dhigayo dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka.
Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay in ay dejisay jadwal rasmi ah oo lagu qabanayo doorashada xubnaha Golaha Wakiillada. Doorashada guddoonka Golaha iyo Madaxweynaha ayaa lagu qaban doonaa si waafaqsan nidaamka doorashooyinka xorta ah ee dalka.
Guddigu waxa uu ballan qaaday in uu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed si loo xaqiijiyo in doorashooyinku u dhacaan si nabdoon, hufan, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka DKGS ayaa ugu dambeyn ku boorisay dhammaan shacabka iyo hoggaanka siyaasadeed inay ka qeyb qaataan hirgelinta doorashooyin ku dhisan cadaalad iyo isla xisaabtan, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.










