LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xaafad ka tirsan Muqdisho oo ciyaal weero la wareegeen

Xaafadda Jiiro Garoob ee Degmada Yaaqshiid ayaa wajahaysa xaalad amni oo aad u kacsan, kadib markii kooxo dhalinyaro ah oo loo yaqaan “ciyaal weero” ay bilaabeen falal rabshado wata oo si weyn u cabsi geliyay shacabka deegaanka.

Wararka laga helayo gudaha xaafadda ayaa sheegaya in dhalinyaradan ay isu adeegsanayaan dhagaxaan, isla markaana ay si abaabulan ugu urursanayaan gudaha Jiiro Garoob.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dartay habeenkii, iyadoo qoysas badan ay sheegeen inay seexan la’yihiin cabsi la xiriirta falalka rabshadaha ah.

Bulshada ku nool deegaanka ayaa si weyn u isweydiinaya halka ay ku sugan yihiin laamaha amniga, gaar ahaan saraakiisha Booliska ee Degmada Yaaqshiid, maadaama xaaladda ay u muuqato mid faraha ka baxaysa. Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku aaddan in aan weli la arag tallaabooyin degdeg ah oo lagu xakameynayo rabshadaha.

Arrinta sii yaabka leh ayaa ah in xaafadda Jiiro Garoob ay wax yar u jirto saldhigga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, balse weli lama arag ciidamo si muuqata uga hawlgala gudaha xaafadda si ay u joojiyaan falalka ay wadaan ciyaal weerada.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dareemayaan dayac amni, iyagoo ugu baaqay dowladda hoose iyo hay’adaha amniga inay si degdeg ah u soo farageliyaan, kahor inta aysan xaaladdu isu bedelin mid ka sii daran.

Ugu dambeyn, shacabka Jiiro Garoob ayaa dalbanaya in la helo jawaab cad oo ku saabsan maqnaanshaha Booliska, isla markaana la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo badbaadada dadka ku nool xaafadda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *