Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo Go’aan cad kasoo saaray duulaanka Koonfur Galbeed

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laga soo doorto degaannada Koonfur Galbeed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni ee ka taagan degaannadaas, iyagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay waddo waxa ay ku tilmaameen “duullaan cad.”
Warsaxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanadan ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay mar kale faragelin ku hayso maamulka iyo amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxay xuseen in tallaabooyinkaasi ay halis ku yihiin jiritaanka iyo madaxbannaanida maamulkaas.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in falalka socda ay yihiin kuwo ka hor imanaya dastuurka dalka, isla markaana khatar gelinaya midnimada, xasilloonida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxay ka digeen in dhacdooyinkan ay abuuri karaan colaad hor leh oo saameyn ku yeelata shacabka ku nool degaannada Koonfur Galbeed.
Warsaxaafadeedka ayaa si gaar ah loogu xusay ciidamada gaarka ah ee Haramcad iyo DANAB, kuwaas oo ay sheegeen in lagu lug yeelanayo howlgallo ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaanadu waxay uga digeen ciidamadaas inay ka qeyb qaataan waxa ay ku tilmaameen dagaal aan sharci ahayn.
Waxaa kale oo ay Xildhibaanadu tilmaameen in haddii aan la joojin xiisaddan, ay keeni karto cawaaqib siyaasadeed iyo mid amni oo culus, isla markaana dhaawici karta kalsoonida shacabka iyo wadajirka dalka.
Ugu dambeyn, Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah u joojiso dhaq-dhaqaaqyada militari ee ay ka waddo degaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay doorato wadahadal iyo xal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafka jira.









