Dowladda oo Ciidamo horleh Galabta ka dejisay degmada Buurhakaba iyo wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galabta ciidamo horleh oo aad u xooggan geysay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka jirto xiisad dagaal oo sii kordheysa, una dhaxeeya Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa mucaaradka iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Wararka laga helayo degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex diyaaradood ay ciidamo ka dejisay Buurhakaba, iyadoo qaar ka mid ah ciidankaas laga keenay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Ciidamadan cusub ayaa lagu xoojinayaa guluf dagaal oo dowladda federaalku ka waddo gobolka Baay.
Taliyaha Xarunta 4-aad, Ururka 96-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Aadan Soomaali, oo hoggaaminaya howlgalka, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay guulo gaari doonaan.
Dowladda Federaalka ayaa muddo ku dhow laba toddobaad waday daad-gureynta iyo geynta ciidamo cusub degmada Buurhakaba, iyadoo la filayo in halkaas laga sii ambaqaado weerarro ka dhan ah ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Dhanka kale, waxaa la tilmaamay in inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Baydhabo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, taas oo sii adkeynaysa xaaladda amni ee gobolka, sidoo kalena aan la ogeyn sida Ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ay ku dhex-mari doonaan Al-Shabaab si ay ugu duulaan Magaalada Baydhabo.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa isna wada dadaallo xooggan oo uu isaga difaacayo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa mucaaradka, si uu u xaqiijiyo qabashada doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed oo la filayo in todobaadka soo socdo ka billaabato Magaalada Baydhabo.









