LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo isku fidiyay degaano ka tirsan Gobolka Mudug

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa howlgallo culus ka wada koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug, kuwaas oo si gaar ah loola beegsanayo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen ilo kala duwan oo warbaahinta la hadlay, ciidamada iskaashanaya ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaaray deegaanno ay horey u maamulayeen Al-Shabaab, iyagoo bilaabay inay isku fidiyaan dhul horleh si ay u xoojiyaan gacanta dowladda ee aaggaasi.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dardargelineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollo kala duwan oo dalka ah, iyadoo isbeddel lagu sameeyay qaabka loo fulinayo howlgallada si loo gaaro natiijooyin waxtar leh.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xogta ku saabsan howlgallada la shaacinayo marka si buuxda loo xaqiijiyo in deegaan ama degmo la qabsaday, si loo ilaaliyo amniga iyo sirta ciidamada.

Ilaa hadda lama soo sheegin khasaare rasmi ah oo ka dhashay howlgallada socda, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyay in meelo ka mid ah aagga howlgalka laga maqlayay rasaas ay is dhaafsanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *