Mas’uuliyiin kale oo iska casilay Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh


Waxaa sii kordhaya Dadka iska casilaya kasii mid ahaanshaha Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP.
Xoghayii Abaabublka iyo wacyigalinta Dhalinyarada JSP Cabdiraxiim Socdaal ayaa kamid ah Dadka is Casilay.
Qoraalkaan ayuu qoray isagoo Xassan sheekh Maxamuud ku eedeyey in uu yahay Tuug.
“Marka hoggaanka xisbi uu ku dhismo xatooyo xoolaha dadweynaha, caddaalad darro iyo dano gaar ah, waxaa hubaal ah in dhaxalkiisu noqdo kali-talisnimo, musuq iyo burbur ka sii daran kii hore.
Waxaa la marin habaabiyay rajooyinkii shacabka, gaar ahaan dhalinyarada oo lagu qalday riyo been ah iyo xisbi aan lahayn himilo dhab ah oo ummadda u adeegta.
Dhalinyaradii waa la khiyaameeyay, waqtigoodii qaaliga ahaa waa la lumiyay, kartidoodii iyo firfircoonidoodii waxaa lagu aasay nidaam musuq iyo dulmi ku dhisan. Tani ma aha hoggaan—waa khiyaano qaran.
Waxaa la joogaa waqtigii runta la sheegi lahaa, cadaaladna loo istaagi lahaa. Ummaddu waa inay ka dhiidhisaa dulmiga, kana hortagtaa hoggaan ku naasnuujinaya musuq iyo boob hantiyeed.









