Wasiir hore oo loo magacaabay Afhayeenka howlgallada Ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed

Wasiirkii hore ee Caddaaladda iyo Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (John), ayaa loo magacaabay Afhayeenka howlgallada ay wadaan ciidamada isku magacaabay Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo haatan guluf dagaal ka wada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Magacaabistan ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo warbaahinta iyo wacyigelinta howlgalka, iyadoo Afhayeenka cusub loo igmaday inuu si joogto ah uga warbixiyo dhaqdhaqaaqyada iyo weerarada ay qorsheynayaan ciidamadaasi.
Wararka laga helayo Buurhakaba ayaa sheegaya in ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed, oo taageero ka helaya cutubyo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee la xiriira qorshe ay ku doonayaan inay ku weeraraan magaalada Baydhabo, oo ah xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo sii kordhaya laga dareemayo aagga Buurhakaba, iyadoo xiisaddu ay cirka isku sii shareereyso, lagana cabsi qabo in dagaal culus uu ka qarxo gobolka.
Magacaabista Afhayeenka cusub ayaa kusoo aadeysa xilli ay isa soo tarayaan wararka ku saabsan abaabulka militari ee ka socda gobolka Baay, iyadoo Maamulka Koonfur Galbeed dhankooda ay Magaalada Baydahbo iyo degaannada hoostaga ka wadaan diyaar garoow ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen ciidamada duulaanka kusoo ah Magaalada Baydhabo.









