Ciidamo ka tirsan Gorgor, Haramcad iyo Danab oo gaaray Buurhakaba, xiisadda oo sii xoogeysatay

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in cutubyo ka kala tirsan ciidamada Gorgor, Haramcad iyo Danab ay gaareen degmada Buurhakaba, xilli ay isa soo tarayaan dhaq-dhaqaaqyada militari ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.
Ciidamadan ayaa la xaqiijiyay inay safar dhinaca dhulka ah kaga soo baxeen Muqdisho iyo degmada Wanlaweyn, halka tiro kale oo ka mid ah ciidamada lagu geeyay Buurhakaba diyaarado. Imaanshahooda ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo isku dhac ka dhaca gobolka.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in degmada Buurhakaba si weyn looga dareemayo guluf dagaal, iyadoo la sheegayo in ciidamada halkaas gaaray ay qorsheynayaan inay u dhaqaaqaan magaalada Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Baay, saacadaha soo socda.
Dhanka kale, xubno mucaarad ah oo ka soo horjeeda maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa iyaguna sheegay inay ku sii jeedaan Baydhabo, taasoo sii kordhineysa cabsida laga qabo in magaalada ay ka dhacaan dagaallo.
Maamulka Koonfur Galbeed, oo xilligan ku guda jira arrimaha doorashooyinka, ayaa la sheegay inuu wado dadaallo xooggan oo uu isku diyaarinayo, si uu isaga difaaco weerar kasta oo kaga yimaada dhinacyada dowladda iyo mucaaradka.
Xiisaddan sii kordheysa ayaa walaac ku abuurtay shacabka ku nool Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo laga cabsi qabo inay isu beddesho dagaal furan oo saameyn ku yeesha amniga iyo xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka.









