LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamo hubeysan iyo Gaadiidka dagaalka oo Caawa gaaray buurhakaba

Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SSF) ayaa caawa gaaray degmads Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib safar dhowr maalmood qaatay oo ay kaga soo ambabaxeen caasimadda Muqdisho.

Ciidankan oo watay gaadiid dagaal iyo hub culus ayaa soo maray saldhigyo muhiim ah oo ay ciidamadu ku leeyihiin magaalooyinka kala ah Walawayn, Balidoogle, Yaaqbariwayne iyo Leego, ka hor inta aysan ugu dambeyn gaarin Buurhakaba.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shacabka ku dhaqan Buurhakaba oo si weyn u soo dhaweeyay ciidamada, iyaga oo taagnaa wadooyinka waaweyn ee magaalada, isla markaana dareen ka qabay sida ay xaaladda noqon karto.

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadaha soo socda la filayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub, iyadoo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka ay u dhaqaaqi karaan dhanka magaalada Baydhabo.

Duleedka Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa inay horey u joogeen ciidamo xooggan oo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, taasoo sare u qaadaysa xiisadda iyo feejignaanta amni ee gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *