DEG DEG: Weerar lagu qaaday dekadda ganacsiga ee dalka Kuwait

Kuwait ayaa sheegtay in dekeddeeda ganacsi ee ugu weyn, Dekedda Shuwaikh, lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahayn oo ay ku tilmaantay “cadow.”
War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Dekedaha Kuwait ayaa lagu xaqiijiyey in weerarka uu sababay khasaare hantiyeed, balse aanay jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay dhacdadaasi.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in si degdeg ah loo hirgeliyey tallaabooyin lagu xakameynayo xaaladda, loona xaqiijinayo badbaadada howlaha ka socda dekedda. Sidoo kale, waxaa socda qiimeyn lagu ogaanayo heerka khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka.
Dekedda Shuwaikh ayaa ah halbowlaha ugu muhiimsan ee ganacsiga dalka Kuwait, iyadoo door weyn ka ciyaarta soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha kala duwan.
Ilaa iyo hadda, ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana la filayaa in baaritaanno dheeraad ah la sameeyo si loo ogaado cidda ka dambeysa.
Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira amniga kaabayaasha muhiimka ah ee gobolka Bariga Dhexe.









