Maamulka Koonfur Galbeed oo War kasoo saaray La Wareegista Kastamka Afgooye

Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Axmed Maxamed Xuseen, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kula wareegtay kastamka canshuuraha ee degmada Afgooye.
Wasiirka ayaa sheegay in kastamkaasi horey u maamuli jirtay dowlad goboleedka, balse maanta si qasab ah ay ula wareegeen ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, kadib khilaaf soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Axmed Maxamed Xuseen ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid sharci darro ah oo baal marsan nidaamka federaalka, isaga oo xusay in sidoo kale la jirdilay qaar ka mid ah shaqaalihii kastamka intii lagu guda jiray howlgalka la wareegista.
“Arrintan waa mid ka baxsan sharciga dalka, waxayna khatar ku tahay wada shaqeynta iyo kalsoonida hay’adaha dowladda,” ayuu yiri wasiirku.
Dhanka kale, wali wax war rasmi ah kama soo bixin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan eedeymaha loo jeediyay. Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa imanaya xilli ay jireen murano hore oo la xiriira maamulka ilaha dakhliga iyo awoodaha dowladeed.
Xaaladda degmada Afgooye ayaa la sheegay inay tahay mid degan, inkastoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay tallaabadan cusub.









