Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Labo duqeyn oo dhinaca cirka ah ayaa laga fuliyay deegaanka Labo-Garas ee duleedka degmada Cadalle, gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 20 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegayaan warar hordhac ah. Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalamayaashan la beegsaday xilli ay ku sii jeedeen ama ay ka qaybgalayeen shir ka socday deegaanka Labo-Garas, iyadoo la sheegay in duqeyntu si gaar ah u bartilmaameedsatay goob ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan kooxda. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in hoggaamiye aan weli magaciisa la shaacin uu ka mid ahaa dadka lagu dilay weerarkaasi. Duqeyntan…
Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho. Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka maqnaa taliyihii hore ee xilka laga qaaday, Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyadoo xilka uu si ku-meel-gaar ah u wareejiyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka, Cilmi Waasuge. Taliyaha cusub, S/G Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa si adag uga hadlay baahida dib-u-habeyn iyo tayeyn lagu sameeyo Ciidanka Asluubta. Wuxuu tilmaamay in aan la kala garan karin askar iyo shacab, taas oo uu ku tilmaamay…
Ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal milatari oo qorsheysan ka fuliyay degaanka Qombi oo qiyaastii 30km u jira Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katirsan Maleeshiyada Al-Shabaab. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid ka hortag ah kadib markii ay heleen xog sirdoon oo muujineysa in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isku aruursanayeen degaankaasi, isla markaana qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan fariisimaha ciidamada Jubbaland. Howlgalka ayaa la sheegay inuu si xooggan u dhacay, iyadoo ciidamada ay beegsadeen goobihii ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Saraakiishu waxay sheegeen in ugu…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa la filayaa in maanta uu booqdo furimaha hore ee dagaalka ee duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed. Booqashada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid lagu dhiirigelinayo ciidamada ku jira jiidda hore ee dagaalka, kuwaas oo difaac adag uga jira weerarro ay kusoo qaadaan kooxaha mucaaradka ah, iyagoo ka hortagaya in khatar lagu geliyo amniga magaalada Baydhabo. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono saraakiisha hoggaamineysa ciidamada, si uu ugu kuurgalo xaaladda amni ee deegaanka iyo baahiyaha ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah u dirtay dhammaan wakiilada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo fadhigoodu yahay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in wakiilada diblomaasiyadeed lagu casuumay kulan muhiim ah oo ka dhici doona xarunta Madaxtooyada Qaranka (Villa Somalia) maalinta Isniinta ah ee ku beegan 30-ka Maarso 2026, saacadda marka ay tahay 11:00 subaxnimo. Kulankan oo ah “Diplomatic Briefing Session” ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas…
Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beeniyay warar maalmihii u dambeeyay si weyn loogu faafinayay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Madaxweynaha. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu caddeeyay in aanu jirin wax mooshin ah oo soo gaaray guddoonka Golaha Shacabka, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan wax sal iyo raad ah lahayn. “Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu si cad u cadeynayaa in uusan jirin wax mooshin ah oo soo…
Inkastoo magaalada Baydhabo ay maanta u muuqato mid degan marka loo eego shalay, haddana waxaa wali jirta cabsi iyo dhiilo colaadeed oo laga dareemayo shacabka ku nool magaalada. Qorraxda ayaa si caadi ah uga soo baxday, jidadkuna waa furan yihiin, ganacsiguna si tartiib ah ayuu u socdaa, balse dareenka amni darro ayaa weli jira. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in aan wali la is gaarin wax dagaal ah, hase yeeshee xiisaddu ay tahay mid taagan, iyadoo labada dhinac ay isku diyaarinayaan suurtagalnimada isku dhac. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la xaqiijiyay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin difaacyo ka baxsan…
Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in weerar gantaallo ah oo la tuhunsan yahay inay fulisay Iran uu sababay khasaare ka dhacay saldhigga militariga ee Prince Sultan Air Base ee ku yaalla dalka Sacuudi Carabiya. Sida ay muujinayaan xogaha la helay iyo sawirro la baahiyay, mid ka mid ah diyaaradaha ciidamada Cirka Mareykanka ayaa la sheegay inuu si weyn u burburay kadib weerarka, iyadoo warbaahinta reer galbeedka qaarkood ay tilmaameen in ilaa 13 diyaaradood ay waxyeello kala duwan soo gaartay. Diyaaradahaas ayaa la sheegay inay u badan yihiin kuwa shidaalka hawada ku siiya diyaaradaha dagaalka, taas oo muhiim…
Sida uu baahiyay Tv-ga Universal Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisey in Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu dalbaday in Wadahadal lagala galo khilaafka kala dhexeeya Dowladda Soomaaliya. Xogta uu helay Tv-ga ayaa xaqiijisay in fariinta dalabka wada hadalka Lafta-gareen uu Madaxweyne Xasan Sheekh usoo marsiiyey xubno ka ag dhaw Madaxweynaha balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayey wararku sheegayaan inuu ku gacan seeray wada-hadalka Laftagareen ku dalbaday in Villa Somalia ay kala gasho xaaladda ka taagan deegaanada Koonfurgalbeed maadaama sida madaxweynuhu u sheegay xubnihii ergada ka ahaa Madaxweynaha KGS Dowladdu ay go’aan ka gaartay malafka maamulkaasi. Dhinaca kale Madaxyooyada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa…
Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ku xirtay afar sarkaal oo ka tirsan ciidamada, kuwaas oo lagu eedeeyay inay diideen inay hoggaamiyaan dagaalka ka socda deegaannada ku dhow Baydhabo. Tallaabadan ayaa timid iyadoo uu jiro jahwareer xooggan oo ka taagan hoggaanka iyo abaabulka dagaalka, kadib markii saraakiishan ay ka biyo diideen amar lagu faray inay hoggaamiyaan ciidamada ku sugan furimaha hore. Dhanka kale, sarkaal lagu magacaabo Saahid Jareere ayaa maanta diyaarad lagu keenay degmada Buur-hakabo, iyadoo la sheegay in loo wado inuu qabto hoggaanka howlgalka dagaal. Saahid Jareere ayaa horay u soo…