Xildhibaan kasoo horjeestay Liiska Xildhibaannada KGS ee la shaaciyay

Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee muddo xileedkooda dhamaadka yahay ahna Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay Liiska cusub ee Xildhibaannada Koonfur Galbeed ee xalay la shaaciyay.
Qoraal uu Xildhibaanka ku daabacay Bartiisa Facebook ayuu ku yiri”
Xildhibaan Maxamed Barre ‘Liiska Xildhibaanda uu ku sheegay laftagareen maahan dad lagala soo tashaday Odiyaasha dhaqanka ee reeraha matalayay ee waa liis uu sharci Daro kusoo qortay”.
Waa Xildhibaankii ugu horreeyay ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo horjeesta Xildhibaannada Cusub ee Koonfur Galbeed, iyada ay xusid mudan tahay in Xildhibaan Maxamed Barre uu kamid yahay Xildhibaannada kaga soo doorto degaannada Koonfur Galbeed.
Si kastaba, Saacadaha soo socda ee Maanta ah ayaa la filayaa in la dhaariyo Xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed, iyaga oo iska dhex dooran doona Guddoomiye KMG ah.









