Uk oo War kasoo saartay xiisadda dagaal ee ka taagan Koonfur Galbeed

Safaaradda Boqortooyada Midowday (UK) ee Muqdisho ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda ka taagan deegaannada maamulka Koofur Galbeed, iyada oo ka digtay in xiisadaha sii kordhaya ay halis gelin karaan amniga isla markaana saameyn taban ku yeelan karaan bulshada halkaas ku nool, kuwaas oo horeyba ula tacaalaya culaysyo bani’aadamnimo.
War qoraal ah oo safaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in UK, oo ay ku tilmaantay saaxiib iyo lammaane ay Soomaaliya wada shaqeeyaan, ay dhinacyada ku boorrisay inay muujiyaan is-xakameyn, kana shaqeeyaan dejinta xaaladda.
“Dowladda UK waxay si dhow ula socotaa horumarka ka socda Koofur Galbeed. Xiisadaha dhawaan soo kordhay waxay khatar gelin karaan amniga, waxayna sii adkeyn karaan xaaladda dadka la daalaa dhacaya dhibaatooyin bani’aadamnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Safaaraddu waxay sidoo kale sheegtay inay xiriir joogto ah la leedahay dadka ay khuseyso ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo dhiirrigelisay in dhinacyadu galaan wadahadal dhammaystiran oo loo dhan yahay.
Intaa waxaa dheer, UK waxay soo dhaweysay dadaallada socda ee odayaasha dhaqanka, kuwaas oo ay sheegtay in lagu doonayo in lagu helo waddo nabadeed oo xaaladda lagu dejiyo.










