LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Saraakiil u dhashay dalka Uganda oo loo xiray shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa tallaabo sharci ah ka qaaday saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), kuwaas oo lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha la maxkamadeynayo ayaa kala ah Korneyl George Buga Andruca, Major Benjamin Kashumbusha, iyo Lieutenant Henry Gygenda, kuwaas oo dhammaantood hore uga tirsanaa cutubka duulista ee ciidamada Uganda ee howlgalka ka wada Soomaaliya.

Eedeysanayaashan ayaa la hor geeyay maxkamad ciidan oo ay fadhiyeen saddex garsoore, iyadoo lagu soo oogay dacwad la xiriirta dayacaad iyo falal khaldan oo sababay burburka diyaaraddaasi. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan saraakiishu way diideen eedaha loo jeediyay.

Xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in baaritaannada dhacdadan ay wali socdaan, taasoo keentay in maxkamaddu dib u dhigto dhageysiga kiiska. Sidoo kale, maxkamaddu waxay amar ku bixisay in eedeysanayaasha lagu sii hayo xabsi ilaa horraanta bisha Abriil 2026, markaas oo mar kale la hor keeni doono.

Dacwad-oogayaasha ayaa ku doodaya in shilka diyaaradeed uu ka dhashay hawlgal si liidata loo qorsheeyay oo dhacay bishii Sebteembar 2024, kaas oo sababay in diyaarad milatari oo ay lahayd Uganda ay ku burburto Soomaaliya.

Diyaaradaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaata taageerada howlgalka, gaar ahaan gaadiidka ciidanka iyo sahayda la gaarsiiyo goobaha halista ah ee ay ka jiraan weerarrada iyo qaraxyada ay geystaan Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *