Sawirro:- Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay Ciidamadii difaaci lahaa baydhabo

Mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Mursal, Xildhibaan Xasan Cabdinur iyo Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa maanta kormeer dhiirrigelin ah ku gaaray furimaha hore ee ciidamada ammaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey jiidaha hore, halkaas oo ay ku qaabileen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay, Taliyaha Degmada Baydhabo, Taliyaha CID-da, Guddoomiyaha Degmada Awdiinle iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga.
Mas’uuliyiinta kormeerka sameeyey ayaa ciidamada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan difaaca deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.
Sidoo kale, wafdiga ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo cambaareeyey waxa ay ku tilmaameen duullaan ay dowladda dhexe ku soo qaadday deegaanada maamulkaasi. Waxay sidoo kale dhaliileen isku dirka iyo hubeynta beelaha walaalaha ah, iyagoo ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh inay joojiyaan colaadaha oo ay door bidaan wadahadal iyo xal nabadeed.
Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad amni ay ka jirto gobolka, gaar ahaan degmada Buurhakaba, halkaas oo la sheegayo in ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ay isku horfadhiyaan, isla markaana la filayo in saacadaha soo socda ay weerar ku qaadaan magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada shacabka iyo xasilloonida dalka, iyagoo ku adkeeyey in colaadaha soo noqnoqda ay dib u dhigayaan horumarka iyo nabadda la hiigsanayo.










