Author: Banaadir24 Editor

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in xilka ku-simaha Madaxweynaha uu la wareegay Axmed Maxamed Xuseen, oo hore u ahaa Wasiirka Maaliyadda dowlad-goboleedkaasi. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, laguna saxiixay magaalada Baydhabo, ayaa lagu caddeeyay in Axmed Maxamed Xuseen uu si kumeelgaar ah u qaban doono xilka Madaxweynaha, laga bilaabo 30-ka Maarso 2026. Qoraalka ayaa lagu xusay in magacaabistan lagu saleeyay dastuurka Koonfur Galbeed, gaar ahaan qodobada khuseeya kala wareegga xilalka iyo sii socoshada hawlaha dowladnimada marka ay dhacaan duruufo gaar ah. Sidoo kale, wareegtada ayaa tilmaantay in Madaxweynaha uu awood u siiyay ku-simaha cusub…

Read More

Xaalada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa hadda ah mid degan kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka ay inta badan la wareegeen Xaafadaha Magaalada Baydhbao, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaas oo la ogeyn ilaa iyo hadda halka ay aadeen. Fagaarayaasha iyo waddooyinka waaweyn ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa isagu soo baxay Boqolalaal Shacab ah, kuwaas oo soo dhaweynaya Ciidamada iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee ka tirsan dowladda, kuwaas oo Maanta gaaray Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Xubno kamid ah…

Read More

Dagaal culus oo qaatay ku dhowaad hal saacad ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka oo dhinac ah, iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada huwanta ah ay weerar ku qaadeen magaalada, taasoo keentay isbeddel degdeg ah oo dhinaca amniga ah. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in inta badan ciidamada Koonfur Galbeed ay isaga baxeen gudaha magaalada, halkaas oo ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka. Xaafadaha kala duwan ee Baydhabo ayaa lagu arkayay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor, kuwaas oo…

Read More

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter (X) ku muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo colaadaha ka taagan dalka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in nolol kasta ay qiimo leedahay, isla markaana aanay habboonayn in dad lagu waayo khilaafaad siyaasadeed awgood. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xilligan xasaasiga ah ay lagama maarmaan tahay hoggaan masuul ah oo si qoto dheer uga fiirsada go’aannada la qaadanayo. Sidoo kale, Cali Saciid Fiqi ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inuu si taxaddar leh u qiimeeyo saameynta ay colaaddani ku yeelan karto shacabka aan waxba…

Read More

Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub), la kala dooransiiyay laba arrimood oo xasaasi ah kadib markii xilka laga qaaday isla markaana la xiray. Sida ay tilmaamayaan ilo xog-ogaal ah, Janaraalka ayaa lagu cadaadinayaa inuu ku qanciyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Laftagareen, inuu heshiis la galo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Haddii uu ku guuldareysto arrintaas, waxaa la sheegay in lagu soo oogi doono eedeymo kala duwan, isla markaana la horgeyn doono maxkamadda ciidamada. Ilaha wararku waxay intaas ku darayaan in horey loo diyaariyay…

Read More

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan booliiska ayaa si buuxda u sugaya amniga guud ahaan magaalada Baydhabo, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo xasilloonida iyo badqabka shacabka ku nool magaalada. Ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in ciidamadan la dhigay goobaha muhiimka ah sida xarumaha dowladda, suuqyada, iyo waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka bulshada, si loo hubiyo in aysan jirin wax khalkhal gelin kara nabadgelyada. Dhanka kale, ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo qorsheysan ka wada duleedyada magaalada Baydhabo. Howlgalladan ayaa lagu beegsanayaa ka hortagga falal amni darro iyo dhaqdhaqaaqyo lagu tilmaamay kuwo…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo masuuliyiin kale oo heer sare ah. Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed (Black), Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud).…

Read More

War rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen degaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay kadib dagaal saacado badan qaatay oo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ciidamada dowladda u suurtageliyay inay gacanta ku dhigaan degaanka Deynuunaay, oo ah meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku socodka gobolka. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu dilay ugu yaraan 21 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka 10 kale lagu dhaawacay intii uu socday dagaalka. Dhinaca kale, ciidamadu…

Read More

Midowga Afrika ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda cakiran ee ka jirta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn iyo masuuliyad. Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu xusay in xiisadaha sii kordhaya ay halis ku yihiin xasilloonida, midnimada, iyo amniga dalka, isla markaana ay saameyn ku yeelan karaan xaaladda bani’aadantinimo. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada lagu xallin karo oo keliya wadahadal iyo is-afgarad. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la…

Read More

Afhayeenka Maamulka Maamulka Koonfur Xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in maamulka uu si weyn ugu mahadcelinayo dhammaan cid kasta oo muujisay taageero iyo garab istaag xilligan adag ee uu wajahayo xiisada dagaal oo kala dhaxeyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Afhayeenka oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa xusay in maamulka Koonfur Galbeed uu abaal weyn u hayo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay difaaca iyo taageerada, gaar ahaan askarta naftooda u huraysa ilaalinta iyo difaaca deegaannada maamulka. “Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa ciidamada iyo shacabka naftooda u huraya difaaca Koonfur Galbeed. Taageeradooda iyo geesinimadooda waa mid aan la ilaawi karin,”…

Read More