Taliye Shub oo wajahaya Eedeymo culus, Laftagareen dartiis loo Maxkamadeynayo

Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub), la kala dooransiiyay laba arrimood oo xasaasi ah kadib markii xilka laga qaaday isla markaana la xiray.
Sida ay tilmaamayaan ilo xog-ogaal ah, Janaraalka ayaa lagu cadaadinayaa inuu ku qanciyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Laftagareen, inuu heshiis la galo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Haddii uu ku guuldareysto arrintaas, waxaa la sheegay in lagu soo oogi doono eedeymo kala duwan, isla markaana la horgeyn doono maxkamadda ciidamada.
Ilaha wararku waxay intaas ku darayaan in horey loo diyaariyay galal dacwadeed oo ka dhan ah Janaraal Mahad, kuwaas oo la doonayo in lagu xalaaleeyo xirnaanshihiisa haddii uusan fulin cadaadiska lagu saarayo. Eedeymaha la diyaariyay ayaa waxaa kamid ah inuu si sharci darro ah xabsiga uga sii daayay xubno lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada, iyo sidoo kale inuu ku lug lahaa ganacsi hub oo la xiriira ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Axaddii ku eedeysay madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed inay xiriir iyo wadashaqeyn la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, eedeyntaas oo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dhinac.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka si rasmi ah ugama hadlin sababta ka dambeysa xarigga Janaraal Mahad Cabdiraxmaan, kaas oo la xiray isla markii xilka laga qaaday.
Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo faahfaahinaya xaaladda uu ku sugan yahay Janaraalka, iyadoo la sheegayo in arrintan ay sii murjisay xiriirka qoys ee ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Laftagareen.
Xaaladdan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, taasoo laga cabsi qabo inay saameyn ku yeelato xasilloonida guud ee dalka.









