Author: Banaadir24 Editor

Kulan muhiim ah ayaa ka qabsoomay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kaas oo ay yeesheen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, Aadan Baruud, iyo Taliyaha Ururka 6-aad ee Guutada 18-aad Gorgor, Mowliid Maxamuud Xuseen, iyaga oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya. Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay qorsheyaal lagu horumarinayo hawlgallada wadajirka ah si loo gaaro guulo muuqda…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in meydka gabar yar oo lagu magacaabi jiray Sihaam Saciid laga helay gudaha suuqa magaalada, arrin si weyn uga nixisay bulshada deegaanka iyo qoyska gabadha. Ehellada Sihaam ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhu ay subaxii u baxday dugsiga, balse markii dambe la waayay. Markii lala xiriiray macallinka dugsiga, waxaa la xaqiijiyay in Sihaam aysan maalintaasba soo xaadirin iskuulka, taasoo sii kordhisay welwelka qoyska. Qoyska gabadha ayaa sidoo kale sheegay in Sihaam la afduubtay, kadibna la kufsaday lana dilay. Waxaa la sheegay in goobta meydka laga helay laga helay fariin…

Read More

Dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka dhacay degaanka Baraago Saddex oo u dhaxeeya degmooyinka Cabudwaaq iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo muran soo jiitamayay oo ku saabsan dhul ku yaalla halkaasi, kaas oo horey u sababay isku dhacyo soo noqnoqday. Ilo deegaanka ah ayaa intaasi ku daray in dagaalka maanta uu ahaa mid culus, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay. Dagaalladan beeleed ee ka dhaca…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa kulan uu la yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka ku caddeeyay inuu si buuxda uga go’an yahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca, isla markaana horseeda in xukunkiisa lagu beddelo hab dimuqraadi ah. Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ka qeybgalay kulanka, madaxweynaha ayaa sheegay inuu durba bilaabay dadaallo siyaasadeed iyo wada-hadallo la xiriira hirgelinta nidaamkan, balse wuxuu eedeyn u jeediyay mucaaradka, isagoo ku tilmaamay inay diideen inay ka qeyb qaataan horumarinta geeddi-socodka doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ka hor bisha May uu qorsheynayo in…

Read More

Wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Baydhabo, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xarunta Villa Hargeysa. Wefdigan oo u badan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay in intooda badan ay horey u mucaaradsanaayeen Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Safarkan ayaa kusoo beegmaya kaddib isbeddel siyaasadeed oo shalay ka dhacay Baydhabo, kaas oo saameyn ku yeeshay hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan, isagoo xusay in la dhisi doono maamul loo dhan yahay…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay fasaxday Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxman Aadan, kaas oo maalmahan ku jiray xaalad xabsi guri ah kadib markii xilkii laga qaaday. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in aan si rasmi ah loo shaacin sababaha ka dambeeya xayiraadda lagu hayay taliyaha, hase yeeshee warar hoose oo isa soo taraya ayaa tilmaamaya in arrimo siyaasadeed ay qeyb ka yihiin, gaar ahaan xiriirka uu la leeyahay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Sida ay wararku sheegayaan, Mahad Cabdiraxman Aadan ayaa maanta la filayaa inuu u…

Read More

Regrettably, it has come to our attention that Mr. Siyat Ibrahim Mohamed, the Commissioner of the Jubbaland Civil Service Commission, has been involved in unethical activities. Specifically, he has been receiving kickbacks from job candidates, allowing them to bypass the agency’s standard selection process. It is disconcerting to note that this unscrupulous CS Commissioner has been pocketing bribes amounting to $3,000 per applicant, as reported by highly credible sources. Moreover, there is evidence in the form of a video that has recently emerged, shared exclusively with the donor and office of the Attorney General in Federal level for prosecution in…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiid Laftagareen, ayaa si lama filaan ah uga laabtay is-casilaad uu horay u shaaciyay, markii dowladda Soomaaliya ay xoog ku qabsatay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, hayeeshee uu ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Laftagareen ayaa tirtiray farriintii is-casilaadda ee uu ku daabacay bartiisa Facebook, taas oo hore u abuurtay hadal-heyn xooggan. Ilaa hadda ma jirto wax faahfaahin rasmi ah oo uu ka bixiyay sababta uu isku casilay ama waxa sababay inuu go’aankiisa dib uga laabto. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli maalin uun ka hor dib-u-doorashadiisii uu Laftagareen sheegay in heshiisyadii uu la…

Read More

Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kaddib muddo ku dhow toddoba sano oo uu xilkaas hayay. Lafta-gareen ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu xilka isaga dego, isagoo aan si faahfaahsan u bixin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya go’aankiisa. Intii uusan ka ambabixin dalka, wuxuu xilka si ku-meel-gaar ah ugu wareejiyay Wasiirka Maaliyadda ee maamulkaasi, Axmed Maxamed Xuseen, kaasoo hadda noqonaya ku-simaha Madaxweynaha. Wararka ayaa tilmaamaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso inay si toos ah u maamusho marxaladda kala guurka, isla markaana ay qabanqaabiso hannaan doorasho…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah kadib markii la sheegay inay ku guuleysatay in meesha laga saaro maamulkii uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaas oo muddo ku dhow siddeed sano ka talinayay deegaanada Koonfur Galbeed. Howlgalkan oo la sheegay in lagu fuliyay isku-dhaf ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo maleeshiyaad deegaanka ah, ayaa abuuray jawi cusub oo siyaasadeed, iyadoo hadda la filayo in dowladda federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo doorasho ku yimaada. Si kastaba, geeddi-socodkan cusub ayaa wajahaya caqabado xooggan, gaar ahaan marka loo eego tirada musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Koonfur…

Read More