Midowga Afrika oo War kasoo saaray xiisadda Dowladda Soomaaliya & Koonfur Galbeed

Midowga Afrika ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda cakiran ee ka jirta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn iyo masuuliyad.
Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu xusay in xiisadaha sii kordhaya ay halis ku yihiin xasilloonida, midnimada, iyo amniga dalka, isla markaana ay saameyn ku yeelan karaan xaaladda bani’aadantinimo.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada lagu xallin karo oo keliya wadahadal iyo is-afgarad. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo midnimada iyo wada-shaqeynta si loo gaaro xal waara.
Sidoo kale, bayaan ayaa lagu muujiyay in Golaha Wadatashiga Qaranka uu yahay madal muhiim u ah wadahadal loo dhan yahay iyo dhisidda kalsoonida, iyadoo dhinacyada lagu dhiirrigeliyay inay si wax ku ool ah uga faa’iideystaan.
Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda buuxda ee ay u hayaan dadaallada nabadda, xasilloonida, iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, iyagoo diyaar u ah inay taageeraan dadaal kasta oo lagu gaarayo heshiis iyo dib-u-heshiisiin.









