Maamulka Koonfur Galbeed oo digniintii u dambeysay u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter (X) ku muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo colaadaha ka taagan dalka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in nolol kasta ay qiimo leedahay, isla markaana aanay habboonayn in dad lagu waayo khilaafaad siyaasadeed awgood. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xilligan xasaasiga ah ay lagama maarmaan tahay hoggaan masuul ah oo si qoto dheer uga fiirsada go’aannada la qaadanayo.
Sidoo kale, Cali Saciid Fiqi ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inuu si taxaddar leh u qiimeeyo saameynta ay colaaddani ku yeelan karto shacabka aan waxba galabsan, oo ay ku jiraan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), iyo guud ahaan amniga dalka.
Ugu dambeyn, wuxuu xusay in go’aannada la qaato waqtigan ay si weyn u go’aamin doonaan jihada iyo natiijada colaadda, isla markaana loo baahan yahay in laga hormariyo badbaadada shacabka iyo xasilloonida dalka.
Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa kusoo beegmaya, xilli Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Magaalada Baydhabo iyo Ciidamada Koonfur Galbeed ay isku hor-fadhiyaan duleedka Magaalada Baydhabo, iyada oo mar kasta la filan karo inay dagaalamaan.










