Ciidamada Dowladda iyo mucaaradka oo dagaal kula wareegay Magalada Baydhabo

Dagaal culus oo qaatay ku dhowaad hal saacad ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka oo dhinac ah, iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada huwanta ah ay weerar ku qaadeen magaalada, taasoo keentay isbeddel degdeg ah oo dhinaca amniga ah. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in inta badan ciidamada Koonfur Galbeed ay isaga baxeen gudaha magaalada, halkaas oo ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.
Xaafadaha kala duwan ee Baydhabo ayaa lagu arkayay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor, kuwaas oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub kala duwan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay si weyn isu beddeshay, inkastoo wali ay jirto cabsi la xiriirta suurtagalnimada dagaallo kale oo dib u qarxa.
Dhanka kale, xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, garoonka diyaaradaha iyo xarumo kale oo muhiim ah ayaa weli waxaa ku sugan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya, kuwaas oo sugaya amniga goobahaas istiraatiijiga ah.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Xuseen Eelaay iyo Taliyaha Booliska Gobolka Baay ee dhowaan la magacaabay, ayaa gaaray magaalada Baydhabo si ay ula socdaan xaaladda amni iyo midda guud ee magaalada.
Ilaa iyo hadda lama oga halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftaagareen), iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan in uu ka baxay magaalada kahor ama inta uu socday dagaalka.
Xaaladda Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in xiisaddu sii socoto ama ay dib u qarxaan dagaallo hor leh.









