LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kala hadlay xaaladda Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo masuuliyiin kale oo heer sare ah.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed (Black), Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud).

Ujeedka kulanka ayaa ahaa ka tashiga xaaladaha guud ee ka jira deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa nabadda, horumarka iyo dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan deegaannadaas.

Mas’uuliyiinta kulanka yeeshay ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta Koonfur Galbeed, loona mideeyo bulshada si looga hortago wax kasta oo wiiqi kara midnimadooda iyo wadajirkooda.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyay in la dardargeliyo dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida, isla markaana la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada si loo gaaro horumar waara.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *