Dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay Deynuunaay, Ciidamada Dowladda oo la wareegay

War rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen degaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay kadib dagaal saacado badan qaatay oo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ciidamada dowladda u suurtageliyay inay gacanta ku dhigaan degaanka Deynuunaay, oo ah meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku socodka gobolka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu dilay ugu yaraan 21 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka 10 kale lagu dhaawacay intii uu socday dagaalka.
Dhinaca kale, ciidamadu waxay xuseen in la xaqiijiyay amniga degaanka, isla markaana ay wadaan howlallo lagu sii baadi-goobayo xubno ka tirsan maleeshiyaadka oo ka firxaday goobta dagaalka.
Deynuunaay ayaa muhiim u ah isku xirka waddada u dhaxeysa Baydhabo iyo Muqdisho, taasoo ka dhigeysa meel istiraatiiji ah oo saameyn ku leh dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo isu socodka shacabka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana la sii wadi doono dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee degaannada laga saaray Al-Shabaab.










