Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Cabdullahi Xaashi Abiib, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa si kulul uga hadlay weerar la sheegay inuu ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo lala xiriirinayo ciidamada dowladda. Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan inay si toos ah ama dadban uga mas’uul yihiin dhacdadaas, isaga oo si gaar ah u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Eelaay, Aadan Madoobe, iyo Danjire Ilyaas Cali Xasan. Xildhibaanka ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirro iyo diblomaasiyiin, isagoo tilmaamay in dhacdadan ay muujinayso xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo khilaaf xooggan oo ka dhex jira…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dagaal jid-gooyo ah oo ay Al-Shabaab la galeen Ciidanka Xoogga Dalka uu sababay dhimashada ugu yaraan 6 askari iyo sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Fatiir. Dagaalkan ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Bay. Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, oo sidoo kale ka mid ahaa mas’uuliyiintii hoggaaminaysay howlgalka, ciidamada dowladda ayaa la kulmay weerar qorsheysan oo jid-gooyo ah, kaas oo ay Al-Shabaab u dhigeen deegaanka Daynuuney. Safiirka ayaa sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo dhammaan saraakiishii iyo askartii ku…
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso isbedel dhanka hoggaanka ah oo ka dhaca hay’adaha ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan taliska nabadsugida. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in DFS ay damacsan tahay in xilka laga qaado Taliyaha Nabadsugida Koonfur Galbeed, Gaashanle Sare Mohmuud Mohamed Hassan Shaahiyow, kadib markii uu diiday amar u yeeris ah oo dhawaan uga yimid dowladda dhexe. Amar diidmadaasi ayaa la xiriirta khilaafkii u dhexeeyay DFS iyo maamulka Koonfur Galbeed ee hore. Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in dowladda ay qorsheyneyso in xilkaasi loo magacaabo Macalin Saalax, oo…
Wararka laga helayo degmada Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay sababtay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Duqeynta oo dhacday shalay duhurnimadii ayaa lagu beegsaday xarun ay lahayd shirkadda korontada ee lagu magacaabo Kuunyo Electric Company (KECO), taas oo koronto siin jirtay kumanaan qoys oo ku nool magaalada iyo deegaannada ku xeeran. Inta la xaqiijiyay, hal qof ayaa ku dhintay weerarka, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, waxaa gabi ahaanba burburay matoorkii korontada iyo dhismihii xarunta shirkadda, taasoo saameyn weyn ku yeelatay adeegii koronto ee deegaanka.…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan xasaasi ah xarunta madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo kula qaatay saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay fulinta howlgalkii mAl-Shabaab looga saaray wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, sidoo kalena Madaxweyne Laftagareen iyo Maamulkiisii kala wareegay Magaalada baydhabo oo ay wehliyaan saraakiisha qeybta 60-aad ee ciidanka Xooga Dalka iyo sidoo kale saraakiisha Ciidanka Deegaanka. Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xaaladaha amni ee Magaalada Baydhabo oo ay soo gaareen ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ciidamada Deegaanka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada amni ee…
Kooxo hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe ku dhex dilay Gurigiisa Allaha u naxariistee Nabadoon Shuute Abuukar Cusmaan, oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Marxuumka ayaa deganaa tuulada Fadimuuse oo hoostagta degmada Lambar 50, waxaana uu door muuqda ku lahaa arrimaha nabadaynta iyo dhaqanka deegaanka. Nabadoonka ayaa sidoo kale kamid ahaa odayaashii dhawaan ka qeyb galay shirkii Dhurqabe 2 ee beelaha Biyamaal, kaas oo lagu qabtay degmada Marka. Guddoomiyaha degmada Lambar 50, Maxamed Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay sameeyeen howlgal degdeg ah kadib dilka, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen rag lagu tuhunsan…
Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la sheegay inuu wali ku adkaysanayo inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo uu dhawaan qoraal ku muujiyay inuu iska casilay xilkaasi. Ilo wareedyo ku dhow Laftagareen oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa xaqiijiyay in mowqifkiisu uusan isbeddelin, isla markaana uu weli isu arko madaxweynaha saxda ah. Sidoo kale, xildhibaan ka tirsan xubnihii la socday wafdigiisa ee ka ambabaxay Baydhaba ayaa xaqiijiyay xogtan. Wararka ayaa sheegaya in Laftagareen uu qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku muujiyay inuu xilka iska casilay kahor inta uusan ka dhoofin Baydhaba. Si kastaba, qoraalkaasi ayaa la…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.001 kuna saabsan magacaabista xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Wasiirada :- 1. Abdirashiid Barkhadle Warsame Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta. 2. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta. 3. Maxamed Cabdiraxmaan Faroole Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka. 4. Barre Yuusuf Faatax Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah . 5. Cabdifataax Ugaas Yaasiin. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada. 6. Hodon Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska . 7. Farxaan Cali Xirsi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo xildhibaano uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatiguduud kusoo dhoweeyey wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hore ugu sugnaa Magaaladda Baydhabo, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kulan horudhac ah la qaatay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo, saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana…
Shir maanta ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka soo baxay dood culus oo ku saabsan cidda si ku-meel-gaar ah u hoggaamin doonta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kaddib is-casilaaddii madaxweynihii hore ee maamulkaasi. Doodda ayaa si gaar ah u dhex martay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, iyo xubno kale oo siyaasad ahaan daneynaya hoggaanka Koonfur Galbeed. Aadan Madoobe ayaa soo jeediyay in isaga loo magacaabo sii-hayaha xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, isagoo si cad uga soo horjeestay in xilka lagu sii hayo wasiir Axmed oo hadda kusime ka ah jagadaasi, isla…