Koonfur Galbeed oo heegan u gelisay Ciidamadeeda ka hortagga weerarka Dowladda

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan booliiska ayaa si buuxda u sugaya amniga guud ahaan magaalada Baydhabo, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo xasilloonida iyo badqabka shacabka ku nool magaalada.
Ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in ciidamadan la dhigay goobaha muhiimka ah sida xarumaha dowladda, suuqyada, iyo waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka bulshada, si loo hubiyo in aysan jirin wax khalkhal gelin kara nabadgelyada.
Dhanka kale, ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo qorsheysan ka wada duleedyada magaalada Baydhabo. Howlgalladan ayaa lagu beegsanayaa ka hortagga falal amni darro iyo dhaqdhaqaaqyo lagu tilmaamay kuwo halis ku ah xasilloonida gobolka.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallo lagu xoojinayo difaaca deegaanka, iyadoo la sheegayo in laga hortagayo isku dayo weerar oo la xiriira xiisado siyaasadeed oo jira.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa xaqiijiyay in xaaladda guud ee magaalada Baydhabo ay tahay mid deggan, islamarkaana nolosha shacabka ay si caadi ah u socoto. Waxay sidoo kale xuseen in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgallada ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa.
Ugu dambeyn, maamulka ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan wixii xog ah ee gacan ka geysan kara sugidda nabadgelyada.









