Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo la Magacaabay ( Wareegto )

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in xilka ku-simaha Madaxweynaha uu la wareegay Axmed Maxamed Xuseen, oo hore u ahaa Wasiirka Maaliyadda dowlad-goboleedkaasi.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, laguna saxiixay magaalada Baydhabo, ayaa lagu caddeeyay in Axmed Maxamed Xuseen uu si kumeelgaar ah u qaban doono xilka Madaxweynaha, laga bilaabo 30-ka Maarso 2026.
Qoraalka ayaa lagu xusay in magacaabistan lagu saleeyay dastuurka Koonfur Galbeed, gaar ahaan qodobada khuseeya kala wareegga xilalka iyo sii socoshada hawlaha dowladnimada marka ay dhacaan duruufo gaar ah.
Sidoo kale, wareegtada ayaa tilmaantay in Madaxweynaha uu awood u siiyay ku-simaha cusub inuu si buuxda u guto waajibaadka xafiiska, isla markaana uu sii wado howlaha maamulka iyo adeegyada dowliga ah ee bulshada.
Axmed Maxamed Xuseen ayaa hore uga tirsanaa golaha wasiirrada, isagoo hayay xilka Wasaaradda Maaliyadda, waxaana lagu tilmaamaa masuul leh khibrad maamul iyo dhaqaale.
Magacaabistan ayaa imaneysa xilli muhiim ah oo Dowladda Soomaaliya ay Maanta qabsatay Magaalada baydhabo, isla markaana ay meesha ka saartay Maamulkii Madaxweyne Laftaagreen oo muddo ka badan 8 sano ka talinayay degaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay qorsheyneyso inay maamul cusub u dhisto.










