Maamulka Koonfur Galbeed oo War lama filaan ah ku dhawaaqay

Afhayeenka Maamulka Maamulka Koonfur Xasan Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in maamulka uu si weyn ugu mahadcelinayo dhammaan cid kasta oo muujisay taageero iyo garab istaag xilligan adag ee uu wajahayo xiisada dagaal oo kala dhaxeyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Afhayeenka oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa xusay in maamulka Koonfur Galbeed uu abaal weyn u hayo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay difaaca iyo taageerada, gaar ahaan askarta naftooda u huraysa ilaalinta iyo difaaca deegaannada maamulka.
“Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa ciidamada iyo shacabka naftooda u huraya difaaca Koonfur Galbeed. Taageeradooda iyo geesinimadooda waa mid aan la ilaawi karin,” ayuu yiri afhayeenka.
Sidoo kale, wuxuu baaq u diray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo diray magaalada Baydhabo, isagoo ugu yeeray in ay is dhiibaan, islamarkaana uu sheegay in cafis loo fidin doono.
Afhayeenka ayaa sidoo kale tixraacay dhacdooyinkii hore ee ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee Jubbaland, isagoo sheegay in ay cashar u yihiin xaaladda haatan taagan.
Dhanka kale, wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay adeegsaneyso awood ciidan, balse uu carrabka ku adkeeyay in aysan ka guuleysan doonin shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Hadalka ka soo yeeray maamulka Koonfur Galbeed ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisad u dhaxeysa maamulkaas iyo dowladda Federaalka, taas oo laga cabsi qabo inay duleedka Baydhabo ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.









