LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Waa sidee xaaladda Magaalada Baydhabo, Gaadiidka dagaalka & Ciidamo lagu arkaayo

Xaalada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa hadda ah mid degan kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka ay inta badan la wareegeen Xaafadaha Magaalada Baydhbao, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaas oo la ogeyn ilaa iyo hadda halka ay aadeen.

Fagaarayaasha iyo waddooyinka waaweyn ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa isagu soo baxay Boqolalaal Shacab ah, kuwaas oo soo dhaweynaya Ciidamada iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee ka tirsan dowladda, kuwaas oo Maanta gaaray Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada ay ku sugan yihiin Xarunta Madaxtooyada oo ay ilaalinayaan Ciidamada Itoobiya, isla markaana uu halkaasi uga socdo shir xasaasi ah oo ay uga hadlayaan xaaladaha kusoo kordhay Magaalada Baydhabo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli wax War ah kasoo saarin qabashada Magaalada Baydhabo, hayeeshee waxaa la sheegay in Dowladda Soomaaliya amniga Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Baay Taliyaha ay dhawaan dowladda u magacaawday Booliska Gobolka Baay Sadiiq Aadan Doodishe, kaas oo hadda ku suagn magaalada Baydhabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *