Author: Banaadir24 Editor

Ciidamada Danab Oo Howlgal Qorsheysan Ku Dilay Xubno ka Tirsanaa Al-Shabaab Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal si wanaagsan loo qorsheeyay oo ka dhacay tuulada Buula Cabdiyow, oo u dhow deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo lagu soo waramayo in lagu dilay ugu yaraan 9 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare. Intii uu socday howlgalka, ciidamada Danab ayaa sidoo kale burburiyay fariisimo iyo godad ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab, iyo gaadiid…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay in safar uu maanta ku tegi lahaa magaalada Baydhabo uu dib uga dhacay sababo la xiriira arrimo farsamo. Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in dib u dhaca safarka Madaxweynaha uu la xiriiro diyaar garow dhinaca amniga iyo farsamooyinka safarka, iyadoo la filayo in dib loo qorsheeyo waqtiga uu ku tegi doono magaaladaas. Magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay waxaa haatan ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo ciidamo aad u farabadan oo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa deegaanka. Ciidamadan ayaa la sheegay in…

Read More

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho, ay wadaan dadaallo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka. Golahan ayaa la filayaa in ay dhawaan yeeshaan kulan hordhac ah oo ay kaga arrinsanayaan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo kulankaas uu gogol xaar u noqon doono shir ballaaran oo qorshuhu yahay in bartamaha bishan lagu qabto gudaha dalka. Ajandaha kulamadaas ayaa diiradda saaraya arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin nooca dowladnimo ee dalka yeelanayo, habraaca doorashooyinka soo socda,…

Read More

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta dagaal khasaaro geystay uu ka dhacay duleedka degmada Warsheekh, gaar ahaan deegaanka loo yaqaano Tabeelaha Warsheekh oo qiyaastii 8 KM u jira degmadaas. Dagaalkan ayaa u dhexeeyay laba ciidan oo kala taagersan Sarkaal lagu magacaabo Salaad Xaadoole, oo la dhashay Xildhibaan Xaadoole, iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Warsheekh, Hiraabe Maxamed Maxamuud (Jookaay). Ilo deegaanka ah iyo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dhinacyada isku haya ay isku qabteen dhul goof ah oo ku yaalla halka uu dagaalku ka dhacay, taasoo sababtay in xiisaddu isu beddesho iska horimaad hubeysan. Guddoomiye ku…

Read More

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyagoo horudhac u ah safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta gaaray Baydhabo waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha amniga. Imaanshahooda ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, kuwaas oo la filayo inay maanta gaaraan magaalada Baydhabo. Dhanka kale,…

Read More

Madaxweynaha dalkaMareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo muran dhaliyay ka sheegay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay dalka mid “aan lahayn dowlad shaqeysa, amni iyo nidaam dhaqaale oo sugan.” Khudbad uu xalay jeediyay ayuu Trump ku sheegay in Soomaaliya ay tahay meel ay “dadku is dilaan had iyo jeer” isla markaana “aanay jirin horumar muuqda oo la taaban karo,hadalkaas oo si weyn uga careysiiyay bulshada Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaasha siyaasadda. Trump ayaa sidoo kale dhaliilay nidaamka dowladnimada, isagoo sheegay in aysan jirin hay’ado amni oo si buuxda u shaqeeya, isla markaana dhaqaalaha dalka uu yahay mid nugul. Hadaladan ayaa imaanaya xilli dhowaan…

Read More

Maanta ayaa lagu wadaa in xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed lagu qabto munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu dhaarinayo xildhibaanadii dhowaan lagu soo doortay doorashadii Golaha Deegaanka Muqdisho ee qabsoontay sannadkii hore. Xildhibaanadan oo tiradoodu gaareyso 390 mudane ayaa la filayaa inay si rasmi ah u la wareegaan xilalkooda, kaddib marka ay qaataan dhaarta dastuuriga ah, taas oo u sahleysa inay si buuxda u bilaabaan waajibaadkooda shaqo ee adeegga bulshada. Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid ayaa la filayaa inuu maanta oo Khamiis ah ay gaaraan Magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo kacsan kadib isbeddelkii dhowaan ka dhacay hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed. Safarka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli meesha laga saaray Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen, taasoo dhalisay baahi loo qabo in si degdeg ah loo dejiyo xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee Maamulka. Maalin ka hor, wafdi horudhac ah oo ka kooban saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaaray Baydhabo, iyagoo diyaarinaya soo dhoweynta…

Read More

Afhayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay mowqifka maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), isaga oo meesha ka saaray wararka sheegaya in maamulka laga adkaaday ama uu galay heshiis hoose. Afhayeenka oo wareysi siiyay idaacadda BBC ayaa sheegay in Koonfur Galbeed aysan ahayn jabhad laga adkaaday, balse ay tahay dowlad leh sharciyad buuxda. “Annagu jabhad meel laga la wareegay ma ahayn, waxaan ahayn dowlad. Dadka reer Koonfur Galbeed waxaan leenahay dowladnimadiinna yaan gacantiinna laga la bixin,” ayuu yiri. Mar la weydiiyay haddii ay jiraan wax heshiis…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo howlo shaqo u jooga Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaasha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka furay ayaa ka qeyb galayaasha kulanka warbixin ka siiyey ujeedka imaanshaha wafdiga uu hogaaminayo ee Baydhabo, isagoo faray in la dardargeliyo howlaha wasaaradaha Koonfur Galbeed, si aysan hakad u gelin adeegyada loo haayo bulshada. Mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa warbixin ka…

Read More