Laftagareen oo ka laabtay farrintiisii is casilaada & Dowladda oo qaadeysa tallaabo..

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiid Laftagareen, ayaa si lama filaan ah uga laabtay is-casilaad uu horay u shaaciyay, markii dowladda Soomaaliya ay xoog ku qabsatay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, hayeeshee uu ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Laftagareen ayaa tirtiray farriintii is-casilaadda ee uu ku daabacay bartiisa Facebook, taas oo hore u abuurtay hadal-heyn xooggan. Ilaa hadda ma jirto wax faahfaahin rasmi ah oo uu ka bixiyay sababta uu isku casilay ama waxa sababay inuu go’aankiisa dib uga laabto.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli maalin uun ka hor dib-u-doorashadiisii uu Laftagareen sheegay in heshiisyadii uu la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira arrimaha doorashooyinka, ay ahaayeen kuwo lagu qasbay, isagoo xusay in “bastoolad madaxa looga hayay.”
Hadalkan culus ayaa dhaliyay su’aalo badan oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan dhinaca madax-bannaanida go’aan qaadashada.
Ilaa iyo hadda lama oga tallaabada ay qaadi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka laabtay qoraalkiisii is-casilaadda xilli uu ku sugnaa magaalada Baydhabo.









