Madaxweynihii Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftaagreen oo is casilay

Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kaddib muddo ku dhow toddoba sano oo uu xilkaas hayay.
Lafta-gareen ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu xilka isaga dego, isagoo aan si faahfaahsan u bixin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya go’aankiisa. Intii uusan ka ambabixin dalka, wuxuu xilka si ku-meel-gaar ah ugu wareejiyay Wasiirka Maaliyadda ee maamulkaasi, Axmed Maxamed Xuseen, kaasoo hadda noqonaya ku-simaha Madaxweynaha.
Wararka ayaa tilmaamaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso inay si toos ah u maamusho marxaladda kala guurka, isla markaana ay qabanqaabiso hannaan doorasho oo cusub oo ka dhaca Maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Lafta-gareen iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ay u safreen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.










