Dowladda Soomaaliya Laftagareen Villa Somalia waa ay ka saartaye maxaa xiga? ( Warbixin)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah kadib markii la sheegay inay ku guuleysatay in meesha laga saaro maamulkii uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaas oo muddo ku dhow siddeed sano ka talinayay deegaanada Koonfur Galbeed.
Howlgalkan oo la sheegay in lagu fuliyay isku-dhaf ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo maleeshiyaad deegaanka ah, ayaa abuuray jawi cusub oo siyaasadeed, iyadoo hadda la filayo in dowladda federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo doorasho ku yimaada.
Si kastaba, geeddi-socodkan cusub ayaa wajahaya caqabado xooggan, gaar ahaan marka loo eego tirada musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed iyo waqtiga xaddidan ee ka harsan muddo xileedka Villa Somalia.
Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in xubno badan oo ka mid ahaa saaxiibadii ku wehliyay dowladda federaalka dadaalladii lagu riday maamulkii Laftagareen ay hadda isu diyaarinayaan tartanka madaxtinimada. Musharixiintaas waxaa kamid ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Xildhibaan Xasan Xuseen Eelaay; Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac; Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe; iyo sidoo kale la taliyaha arrimaha dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Senator hore Xuseen Sheekh Maxamuud.
Musharax kasta ayaa la rumeysan yahay inuu aaminsan yahay in uu haysto taageerada Villa Somalia, inkastoo wararka hoose ay muujinayaan in arrintu aysan sidaas sahlaneyn. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in musharaxa koowaad ee ay Villa Somalia u aragto inuu ku habboon yahay xilka uu yahay Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, halka qorshaha labaad uu noqon karo Guddoomiye Aadan Madoobe, kaas oo la sheegay in loo ballan qaaday in loo wareejin doono Koonfur Galbeed haddii uu door muhiim ah ka qaato meelmarinta ansixinta dastuurka oo dood badan dhalisay.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sida Villa Somalia u maareyn doonto musharixiinta badan ee ay wada shaqeynta lahaayeen, kuwaas oo dhammaantood filaya abaal marin siyaasadeed. Sidoo kale, waxaa weli mugdi ku jira cidda ugu dambeyn loo diri doono Madaxtooyada Baydhabo iyo sida ay dowladda federaalka u xallin doonto khilaafaadka ka dhalan kara arrintan.
Iyadoo waqtigu uu ciriiri yahay, isla markaana cadaadisyo siyaasadeed ay isa soo tarayaan, xaaladda Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid geli karta marxalad cusub oo xasaasi ah, taas oo saameyn ku yeelan karta guud ahaan jihada siyaasadeed ee dalka.









