Sawirro:- Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya kala hadashay Sugida Amniga degaannada Koonfur Galbeed

Kulan muhiim ah ayaa ka qabsoomay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kaas oo ay yeesheen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, Aadan Baruud, iyo Taliyaha Ururka 6-aad ee Guutada 18-aad Gorgor, Mowliid Maxamuud Xuseen, iyaga oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya. Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay qorsheyaal lagu horumarinayo hawlgallada wadajirka ah si loo gaaro guulo muuqda oo laga gaaro la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.
Saraakiisha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta joogtada ah, is dhaafsiga xogaha amni, iyo isku dubbaridka howlaha ciidanka, kuwaas oo laf-dhabar u ah guusha hawlgallada socda.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo isku xirnaanta ciidamada, si loo xaqiijiyo amniga guud iyo xasilloonida dalka, loona dardargeliyo dadaallada lagula dagaalamayo Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayao degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Baay ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.










