LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Gabar yar oo kufsi iyo dil loogu geystay Magaalada Jigjiga iyo farriin murugo leh oo la helay

Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in meydka gabar yar oo lagu magacaabi jiray Sihaam Saciid laga helay gudaha suuqa magaalada, arrin si weyn uga nixisay bulshada deegaanka iyo qoyska gabadha.

Ehellada Sihaam ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhu ay subaxii u baxday dugsiga, balse markii dambe la waayay. Markii lala xiriiray macallinka dugsiga, waxaa la xaqiijiyay in Sihaam aysan maalintaasba soo xaadirin iskuulka, taasoo sii kordhisay welwelka qoyska.

Qoyska gabadha ayaa sidoo kale sheegay in Sihaam la afduubtay, kadibna la kufsaday lana dilay. Waxaa la sheegay in goobta meydka laga helay laga helay fariin murugo leh oo muujineysay in falka dilka ay si ula kac ah u geysteen dadkii ka dambeeyay, taasoo sii xoojisay cabsida iyo caro ka dhalatay dhacdadan.

Bulshada ku nool magaalada Jigjiga ayaa si weyn uga naxay falkaan foosha xun ee isugu jira kufsi iyo dil, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen mid aan horey uga dhicin deegaanka, isla markaana ah fal ka baxsan dhaqanka iyo diinta.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Jigjiga ayaa bilaabay baaritaano xooggan oo lagu raadinayo cidda ka dambeysay falkaan, iyagoo ballanqaaday in cadaaladda la horkeeni doono dhammaan dadka ku lugta leh.

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo magaalada iyo guud ahaan degaanka, iyadoo bulshada ay ku baaqayaan in la xoojiyo ammaanka, lana ilaaliyo carruurta si looga hortago falal noocaan oo kale ah mustaqbalka.

Screenshot

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *