Guddoomiye Aadan Madoobe oo tegaya Baydhabo & kulamo xasaasi ah…

Wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Baydhabo, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xarunta Villa Hargeysa.
Wefdigan oo u badan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay in intooda badan ay horey u mucaaradsanaayeen Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Safarkan ayaa kusoo beegmaya kaddib isbeddel siyaasadeed oo shalay ka dhacay Baydhabo, kaas oo saameyn ku yeeshay hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan, isagoo xusay in la dhisi doono maamul loo dhan yahay oo ka turjumaya rabitaanka bulshada deegaanka.
Aadan Madoobe ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii si cad uga soo horjeeday madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, waxaana horey loo hor istaagay safar uu qorsheynayay inuu ku tago Baydhabo, taas oo muujinaysay khilaafka siyaasadeed ee ka jiray gobolka.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka marka uu gaaro Baydhabo uu kulamo la qaadan doono wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, si loo xoojiyo wadatashiga iyo xasilloonida siyaasadeed ee degaanka.
Safarkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana lagu dhiso hannaan dowladeed oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada kala duwan.









