Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeystay Go’aan uu horay u qaatay eedeyna u jeediyay mucaaradka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa kulan uu la yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka ku caddeeyay inuu si buuxda uga go’an yahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca, isla markaana horseeda in xukunkiisa lagu beddelo hab dimuqraadi ah.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ka qeybgalay kulanka, madaxweynaha ayaa sheegay inuu durba bilaabay dadaallo siyaasadeed iyo wada-hadallo la xiriira hirgelinta nidaamkan, balse wuxuu eedeyn u jeediyay mucaaradka, isagoo ku tilmaamay inay diideen inay ka qeyb qaataan horumarinta geeddi-socodka doorashooyinka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ka hor bisha May uu qorsheynayo in la dhameystiro hanaanka doorashooyin isku sidkan oo laga hirgelinayo dowlad goboleedyada Koonfurta dalka. Wuxuu xusay in nidaamkan horey looga hirgeliyay deegaannada Puntland iyo Somaliland, isla markaana dowladda federaalku ay hadda diiradda saareyso gobollada kale.
Intii kulanka socday, ilo-wareedyo ayaa sheegaya in madaxweynaha uu si cad u muujiyay inuusan ka laaban doonin hirgelinta qorshahan, islamarkaana uu ka codsaday wakiillada caalamiga ah inay taageeraan geeddi-socodka doorashooyinka.
Dhanka kale, qaar kamid ah wakiillada beesha caalamka ayaa muujiyay baahida loo qabo in la helo wada-xaajood dhab ah oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaasoo saldhig u noqda doorashooyin lagu kalsoonaan karo.









