Dagaal khasaaro geystay oo Maanta ka dhacay Gobolka Galgaduud

Dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka dhacay degaanka Baraago Saddex oo u dhaxeeya degmooyinka Cabudwaaq iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo muran soo jiitamayay oo ku saabsan dhul ku yaalla halkaasi, kaas oo horey u sababay isku dhacyo soo noqnoqday. Ilo deegaanka ah ayaa intaasi ku daray in dagaalka maanta uu ahaa mid culus, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Dagaalladan beeleed ee ka dhaca deegaannada u dhaxeeya Cabudwaaq iyo Cadaado ayaa noqday kuwo soo laab laabtay, iyadoo dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu joojiyo ay guul darreysteen.
Ilaa iyo hadda, laamaha ammaanka ee maamulka Galmudug kama aysan bixin wax faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan dagaalka maanta, sidoo kalena lama oga tallaabooyinka ay qaadi doonaan.
Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in dagaalladu sii socdaan, haddii aan si degdeg ah loo helin xal lagu joojinayo colaadda soo noqnoqotay.









