LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo fasaxday Taliye Shub, safar deg deg ahna u baxayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay fasaxday Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxman Aadan, kaas oo maalmahan ku jiray xaalad xabsi guri ah kadib markii xilkii laga qaaday.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in aan si rasmi ah loo shaacin sababaha ka dambeeya xayiraadda lagu hayay taliyaha, hase yeeshee warar hoose oo isa soo taraya ayaa tilmaamaya in arrimo siyaasadeed ay qeyb ka yihiin, gaar ahaan xiriirka uu la leeyahay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Sida ay wararku sheegayaan, Mahad Cabdiraxman Aadan ayaa maanta la filayaa inuu u safro magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo la sheegay inay ku kulmi doonaan Cabdicasiis Laftagareen. Lama oga ujeeddada rasmiga ah ee kulankaas, balse waxaa la tuhunsan yahay inuu la xiriiro xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale fasaxday qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee dhowaan ku xayirnaa Muqdisho, kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed. Xildhibaannadan ayaa la sheegay inay u safri doonaan dibadda oo qaarkood ehelladooda ay joogaan halka qaarkood shirar siyaasadeed ay ka qeyb geli doonaan.

Ilaa iyo hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax war rasmi ah oo faahfaahinaya tallaabooyinkan, taas oo sii kordhisay hadal-heynta iyo su’aalaha la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *